Horyaalka Ingiriiska.
deeyoo.com, 22/01/07.
Labadii maalmood ee lasoo dhaafay waxaa xiiso cusub yeeshay horyaalka Ingiriiska kadib markii ay kusoo biireen isla
markaana ay rajo cusub yeesheen kooxo horey u quustay, oo ay kamid yihiin Arsenal iyo Liverpool oo ka kala adkaaday labadii
kooxood ee kali ku ahaa hogaanka horyaalka.
Sabtigii ayey aheyd markii ay Liverpool 2 gool uga adkaatay Chelsea, kadib goolal ay u kala dhaliyeen Kuyt iyo Pennant,
isla markaana ay kooxdani muujisay ciyaar wanaag iyagoo ka faa'iideystay qalqalkii haystay difaaca Chelsea todobaadyadii lasoo
dhaafay.
Inkasta oo uu soo laabtay goolhaye Peter Ceck oo madaxa ugu xirnaa koofiyad caag ah oo loogu tala galay in ay ka ilaaliso
dhaawicii madaxa ka gaaray inuu kusoo laabto, hadana waxaa ka maqnaa oo weli la tabayaa kabtan Terry, waxaana kulamadii ugu
danbeeyay muuqanayay in tababaruhu u isticmaaliyay difaac ahaan Essien oo caan ku ah qadka dhexe.
Liverpool oo ka faaiideysaneysa dhibaatada Chelsea iyo iyaga oo kulamadii ugu danbeeyay ee PL si heer sare ah u ciyaarayay,
waxa ayna rajo wanaagsan hadda ka qabaan kaalinta labaad in ay ka cariirsadaan Chelsea oo ay ka danbeeyaan hadda 5 dhibcood
kaliya, isla markaana waxa ay taageerayaashoodu bilaabeen hadda in ay ka hadlaan hanashada horyaalka maadaama farqiga u dhexeeya
iyaga iyo Manchester uu hadda yahay 11 dhibcood, waxa ayna xisaabta ku darsadeen in ay Manchester kusoo ciyaari doonto guriga
Liverpool iyo kan Chelsea labadaba.
Arsenal ayaa sidoo kale xamaasad u yeeshay horyaalka markii ay guul la yaab leh ka gaareen kulankii ay la yeesheen Manchester
Utd, oo ay kaga badiyeen 2 gool iyo 1, waxaana xusid mudan in labada gool ee Arsenal ay dhasheen 8dii daqiiqo ee ugu danbeysay
ciyaarta.
Qeybtii hore oo ahayd mid adag oo aan fursado badan la helin, waxa ay kooxuhu ku kla baxeen goolal la,aan, balse qeybtii
danbe ayey ciyaartu is bedeshay, waxaana gool ku hormartay Manchester oo uu gool madaxa ugu dhaliyay Rooney oo kubad karoos
ah ka helay Evra oo difaaca bidix uga ciyaara kooxdiisa, dad badan ayaa ka niyad jabay is bedelka ku imaan kara horyaalka
hadii ay natiijadu sidan ku dhamaato, waayo Manchester waxa ay hogaanka ku qaban lahayd 9 dhibcood.
Sidaa ma noqon oo tababaraha Arsenal ayaa garoonka soo geliyay Van Persie oo suurta geliyay inuu goolkii barbardhaca dhaliyo
daqiiqado ka hor dhamaadkii ciyaarta, waxaa xigay gool uu madaxa ku dhaliyay Henry daqiiqadihii dheeriga ahaa ee ciyaarta
lagu daray, waxaa sawaxan iyo dabaal dag laga dareemay dhamaan garoonka, iyo goobaha lagu daawado ciyaaraha, oo waxa ay neef
kasoo fuqday taageerayaasha Arsenal, Chelsea iyo Liverpool oo galabtan wada taageerayay Arsenal.
Natiijadii labadan kulan waxa ay dhiiri gelisay in tababarayaasha labada kooxood ee Liverpool iyo Arsenal ay ka hadlaan
rajadooda horyaalka waxa ayna sheegeen inuu imanka u furanyahay mid kamid ah 4tan kooxood midkood, walow farqiga u dhexeeya
Manchester oo hogaanka haysa iyo Arsenal uu yahay hadda 12 dhibcood, waxaana harsan 14 kulan oo aan dhihi karno waa ay adkaan
doontaa in ay si sahal ah ku gaaraan balse waxani waa kubadda cagta oo wax kasta waa macquul.
waxa ay afartan kooxood u kala horeeyaan sidan hoose.
1 Manchester U 57 dhibcood.
2 Chelsea 51
3 Liverpool 46
4
Arsenal 45